Roobabkii Gugaga oo ka curtay meelo ka mid ah Dalka

0
288

Kismaayo(Idaacada Waamo)Roobabkii Xilliga Gu’ga ayaa ka curtay deegaanno ka mid ah Gobolada Dalka, oo lagu diirsaday ayaa ka da’aya Magaalada Galkacyo iyo nawaaxigeeda tan iyo wixii ka danbeeyay 7:30 fiidnimo Xalay, sidoo kale waxaa meelo ka durugsan Magaalada laga maqlayaa Onkod aad u xoog badan.

Deegaanada kale ee laga soo sheegay Roobabka waxaa ka mid ah Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.iyo nawaaxigeeda, kaasi oo uu ka da’ayay  wixii ka dambeeyay 9:00 fiidnimo ee Xalay,ilaa hadana lama soo sheegin wax khasaare Nafeed ah oo uu geystay.

Meelaha kale ee laga soo sheegay Roobka waxaa ka mid ah Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galguduud, halkaasi oo uu ka da’ay Roob ay ku diirsadeen dadka iyo Duunyada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here