Roob daadad watay oo baabi’iyay Beero ku yaalla Degmada Xudur

0
317

Xudur(Idaacadda Waamo)Beeraleyda Degmada Xuddur ee gobolka Bakol ayaa marlabaad dalagooda ku baaba’ay roobab daadad watay oo nawaaxiga xuddur ku da’ay.

Daadadkaan oo marwalba sanadu barwaaqo tahay aafeeya beeraha degmada xuddur gaar ahaan kuwa qudaarta lagu beero waxay ka imaadaan roobabka kuda’a  dhulka taaga ah oo ilaa 50km waqooyi ka xiga magaalada xitaa haduusan gudaha magaalada ku di’in.

Roobka Gugga oo daadad lasocdeen ayaa siweyn usaameeyey khudaar xilligii jiilaalka labeerey oo bisha ramadaan loogu talagalay in ay soo go’do iyo geedo waa weyn, waxaba jira dad sanadkii deyrta ee la soo dhaafey khudaartiis daadad latageen oo sanadkaan waxba beeran.

Guddoomiye kuxigeenka degmada xuddur Mustaf Aadan ayaan sheegay in saameyn daran ay ka dhalatay daadadka,isla markarkaaana la maamul ahaan ay wadaan qorsho looga hortagayo daadadka Roobka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here