Ronaldo oo ka hadlay mustaqbalkiisa kubadda cagta kaddib koobka adduunka 2022

0
213

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Xiddiga reer Portugal iyo kooxda Manchester United ee Cristiano Ronaldo ayaa mustaqbalkiisa u furaya wax kasta oo suurtagal ah kaddib koobka adduunka.

Cristiano Ronaldo iyo saaxiibadkiisa xulka qaranka Portugal ayaa ku gudi jira diyaargarowgooda ku aadan kulanka ay ku wajahayaan North Macedonia habeen dambe ee Talaadada, isreeb-reebka koobka adduunka ee 2022.

Cristiano Ronaldo ayaa kahor kulanka North Macedonia, wuxuu maanta Isniin ah ka hadlay arrimo ku saabsan mustaqbalkiisa, wuxuuna yiri:

“Aniga ayaa ah midka go’aamin doona mustaqbalkayga, haddii aan doonayo inaan sii ciyaaro, waan sameyn doonaa, haddii aanan rabin, ma sii wadan doono.”

Xiddiga reer Portugal iyo kooxda Manchester United oo kaga hadlay shirkiisa jaraa’id wuxuu ka hadlay kulanka ay la ciyaarayaan xulka qaranka North Macedonia, wuxuuna yiri:

“Mar walba cadaadis ayaa jira, dhamaanteena diyaar ayaan u nahay, runtii waxaan dooneynay inaan ciyaarno kulan Play-off ah, sababtoo ah North Macedonia ayaa halkaan yimid, waxay la macno tahay inay u qalmaan.”

Si kastaba ha noqotee, Xulka qaranka Macedonia ayaa 1-0 uga adkaaday Talyaaniga ciyaar ka tirsaneyd kulammada isreeb-reebka Koobka Adduunka 2022.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here