Ronald Koeman oo si RASMI ah u shaaciyey liiska xiddigaha kooxdiisa Barcelona uga qeyb galaya kulanka adag ee Valencia

0
236

Barcelona(Idaacadda Waamo)-Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Ronald Koeman ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa uga qeyb galaya kulanka adag Valencia ee horyaalka La Liga dalka Spain.

Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou ku soo dhoweynaysa kooxda kubadda cagta ee Valencia, waxaana liiska uu ku dhawaaqay macallin Ronald Koeman hoggaanka u haya kabtan kabtanka kooxda ee Lionel Messi.

Gerard Piqué, Ansu Fati, Ousmane Dembélé iyo Sergi Roberto ayaa wali sii maqnaanaya sababo la xiriira dhaawacyo ay qabaan, halka liiskan lagu arkayinuu dib ugu soo laabtay Junior Firpo, kaasoo seegay kulankii Real Sociedad.

Haddba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha Barcelona ee uu ku dhawaaqay tababare Ronald Koeman kuwaasoo ka qeyb galaya kulanka adag Valencia ee horyaalka La Liga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here