Romelu Lukaku oo Ka Dhaawacmay Kooxda Chelsea.

0
182

Chelsea-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Chelsea ayaa la kulantay dhirbaaxo kadib markii ay dhaawac xun ku wayday weeraryahanka Romelu Lukaku kaas oo dhaawac uga baxay Qaybta hore ee kulanka ay Chelsea la ciyaarayso Malmo.

Xiddiga 28 jirka ah oo qaab ciyaareed xun ku jira ayaa doonayay in uu dib u helo qaab ciyaareedkiisii fiicnaa kulanka, Laakiin Lukaku ayaa u muuqday mid ka dhaawacmay kuraanta kadib markii ay kubad ku loo lameen xiddiga kooxda Malmo ee Lasse Nielsen.

Kadib markii uu dhaawaca soo gaadhay Lukaku ayaa si deg-deg ah u dalbaday in la badalo iyada oo lagu badalay xiddiga Kai Havertz.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here