Rob Holding oo heshiis cusub u saxiixay kooxda Arsenal

0
292

England(Idaacadda Waamo)- Xiddiga Rob Holding ayaa heshiis cusub u saxiixay kooxdiisa Arsenal maadaama ciyaaryahanka uu kubbad qurux badan soo bandhigay mudadii uu joogay kooxiisa.

Kooxda Arsenal ayaa  heshiis cusub ku abaalmarisay  xiddiga daafaca uga ciyaara ee Rob Holding kaas oo mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda Arsenal.

Dafaca dhexe ayaa xiddig muhiim ah ka noqday kooxda uu hogaamiyo tababare Mikel Arteta isaga oo ciyaaray 18 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan.

Kooxda Arsenal ayaa xaqiijisay in uu Rob Holding qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah iyo waliba hal sano oo dookh ah oo uu kooxda kusii joogi doono.

Mikel Arteta ka hadlaya heshiiska cusub ee Holding ayaa yidhi”Tan ilaa markii aan Arsenal imid aniga oo tababare ah waxa aan la dhacay qaab ciyaareedkiisa waxana uu ku leeyahay qolka labiska sumcad fiican”.Rob Holding and Mikel Arteta embrace on the Wembley pitch after winning the Emirates FA CupImage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here