(RIKOOR) Liverpool Oo Rikoor Cusub  Ka Dhigtay Premier League Kadib Guushii West Ham United(SAWIRO)

0
386

Kismaayo(Idaacada Waamo) Kooxda Kubada Cagta ee Liverpool ayaa Dhigtay Rikoor Cusub oo Taariikhi ah Kadib Markii ay Guuldaro Tustay Kooxda Newcastle United Kulanka oo Ka Tirsanaa Horyaalka Premier League.

Liverpool ayaa  West Ham Kaga Badisay 2/0 Labadaan Kooxood West Ham Iyo Liverpool  ayuu Kulankan Baaqi u ahaa Todobaadkii 18-aad ee Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Goolasha ay Guusha Ku Gaareen Waxay Uga Mahadcelinayaa Xidigaha Mohamed Salah & Alex Oxlade-Chamberlain oo Kooxda Liverpool Ku Hogaamiyay Guushii 23-aad ee 24-kii Kulan ee ay Ka Ciyaartay Horyaalka Xilli Ciyaareedkan.

Kadib Guushaas Kooxda Liverpool ayaa Diwaan Gashatay Rikoor Taariikhi ah oo Horyaalka Premier League ah Kadib Markii ay Guul Ka Gaartay Dhamaan Kooxaha Ka Ciyaara Horyaalka Hal Xilli Ciyaareed Kaliya.Image

Liverpool ayaa Ka Hor Tagtay 19 Kooxood oo Premier Leageu ah Xilli Ciyaareedkan Waxaana ay ka Gaartay Guul Dhamaan Kooxahaas Taas oo ah Markii ugu Horaysay ee ay Rikoorkaas Ka Dhigto Heerka Sare ee Premier League.ImageImage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here