RIKOOR: Julian Nagelsmann Tababaraha RB Leipzig Oo Rikoor Aan Dunida Ka Dhicin Loogu Diiwaangeliyey Xalay 

0
345

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)- Tababaraha Kooxda Kubadda Cagta RB Leipzig ee Julian Nagelsmann ayaa Xalay Wacdaro Ku Dhigay Atletico Madrid oo uu Ka Reebtay Tartanka yurub ee Champions League, isagoo Kooxdiisa Ka Xaadiriyey Wareegga Semi-finalka Markii ugu Horeysay Taariikhda.

RB Leipzig ayaa La aasaasay Sannadkii 2009, Waxay awood u yeelatay inay Dhulka Dhigto Kooxda Weyn ee Atletico M, Waxayna Ka Gaartay Guul ay u Qalmeen iyagoo Kaga adkaaday 2-1, waxaana mahadda Guushaas iska leh Tababaraha RB Leipzig ee Julian Nagelsmann Kaas oo Mudadii uu Joogay Shaqo Wacan Ka Qabtay Kooxda Yar ee RB Leipzig.

Tababare Julian Nagelsmann ayaa Garoonka Ku Dhex-damaashaaday, isaga oo Dhigay Rikoor aan Wali Ka Dhicin Tartanka yurub ee Champions League.

Tababarahan oo 33 Jir noqday bishii July ee Sannadkii Hore, Waxa uu Dhashay Sannadkii 1987kii, Xilligaas oo uu Diego Simeone ahaa Ciyaartoy Weyn oo Magac Leh.

Taariikhda Loo Diiwaangeliyey Julian Nagelsmann ayaa ah inuu Noqday Tababarihii ugu Da’da yaraa ee abid Soo Gaara Semi-finalka Tartanka Champions League, Wuxuuna Rikoodhkan Ku Galay isagoo Jira Da’da 33 Jirka isaga Ku Jira ayuu Kooxdiisa Geeyey Semi-finalka.

Rikoorka kale ee Xalay La Diwaan Galiyey ayaa Wuxuu Ahaa Kooxda RB Leipzig oo Noqotay Kooxdii ugu Da’da yareyd ee iska Xaadariya Semi-finalka, Waxayna Kooxdani Jirtaa 11 Sannadood oo Kaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here