Real Madrid oo Ogolaatay In ay iibiso Martin Odegaard.

0
383

Real Madrid(Idaacadda Waamo)-Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay Arsenal u sheegtay in ay diyaar u tahay in ay ka iibiso xiddiga khadka dhexe ee Martin Odegaard inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Laakiin Los Blancos ayaa Arsenal u sheegtay in ay kaliya Aqbali doonto lacag dhan 50 milyan oo euro si ay u fasaxdo xiddiga 22 jirka ah inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Xiddiga reer Norway ayaa qaab amaah ah ku joogay Arsenal qaybtii dame ee xilli ciyaareedkii dhamaaday isaga oo kooxda u ciyaaray 20 kulan tartamada oo dhan isla markaasna dhaliyay 2 gool 2 kalena caawiye ka noqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here