Real Madrid oo Iska Xaadirisay Finalka tartanka yurub ee Champions League

0
47

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa iska xaadirisay Finalka tartanka yurub ee Champions League, kaddib guul waqti dambe ay ka gaaray kooxda Bayern Munich.

Real Madrid ayaa laba gool la timid waqtigii dhimashada, iyadoo Bayern Munich niyadda gashatay inay guuleysanayso oo uu Thomas Tuchel saaray ciyaartoydiisii muhiimka ahayd.

Ciyaarta oo inteeda badan ay maamulaysay Real Madrid ayaa qaybta hore ay kusoo dhamaatay barbarro goolal la’aan ahaa, iyadoo dhawr fursadood oo dahabi ahaa ay Real Madrid ka lumiyeen Vinicius Junior iyo Rodrygo Goes.

Alphonso Davies oo beddelay Serge Gnabry ayaa Bayern Munich hoggaanka u dhiibay daqiiqaddii 68aad, kaddib markii uu dhinaca bidix kala soo galay kubbad uu goysmo kusoo khaarajiyey Antonio Rudiger, waxaana uu goolkaasi yimid markii uu daafaca reer Canada laad kale uu goolhaye Andriy Lunin dirqi kaga badbaadiyey.

Carlo Ancelotti ayaa sameeyey beddello uu ku najaxay oo uu sameeyey dhamaadka ciyaarta, Daqiiqaddii 88-aad ayaa kubbad uu Vinicius Junior ku toogtay goolka, waxa xajisan kari waayey oo ay ka baxsatay goolhaye Neuer, waxaana orod kusoo gaadhay Joselu oo ku celiyey isla markaana shabaqa u weydaariyey.

Saddex daqiiqadood kaddib oo ahayd daqiiqaddii 90+1 ayaa Real Madrid uu goolka labaad u dhaliyey Joselu oo kubbad uu ka helay Antonio Rudiger oo goolka hortiisa usoo dhigay uu ku leexiyey shabaqa.

ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-1 oo ay guul ku gaartay Kooxda Real Madrid waxaana ay Finalka isku arki doonaan kooxda reer Germany ee Borussia Dortmund

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here