Real Madrid oo garoonkeeda Santiago Bernabéu guul kaga gaartay Deportivo Alaves

0
139

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Real Madrid ayaa garoonkeeda Santiago Bernabéu guul kaga gaartay kooxda Deportivo Alaves, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-0, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka La Liga.

Qeybta hore ayeey labada kooxood Real iyo Deportivo Alaves ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 63-aad Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay Marco Asensio oo dhaliyay gool aad u qurux badan.

Laakiin 80 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kubad aad ay kaga soo shaqeeyeen xiddiga Real Madrid caawinteeduna uu lahaa Benzema ayaa waxaan gool u badelay Vini Jr, ciyaarta ayaa waxay sidaas ku noqotay 2-0.

Daqiiqadii 90 + 1 Real Madrid ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool ka dhigay weeraryahankooda K. Benzema, ciyaarta ayaa waxay sidaas ku noqotay 3-0.

Ugu dambeyntii ciyaarrta ayaa waxay ku dhammaatay 3-0 ay Real Madrid kaga adkatay kooxda Deportivo Alaves oo marti ugu ahayd garoonka Santiago Bernabéu, Los Blancos ayaa ku hoggaamineysay kala sareynta horyaalka 57 dhibcood, 7 dhibcood nadiif ah ayeey ka sareysaa kooxda kaalinta labaad fadhisa ee Sevilla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here