RB Leipzig oo u gudubtay wareega 16-ka

0
308

Yurub(Idaacadda Waamo)-Waxaa caawa la ciyaaray ciyaaro ka tirsan kulamada ugu dambeeya ee marxaladda Guruubyada tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League, kal ciyaareedkan 2020/21.

Kooxaha waa weyn ee caawa ciyaaray kulamada ugu dambeeya ee marxaladda Guruubyada tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League, waxaa ka mid ah, Chelsea, Juventus, Barcelona, iyo Manchester United.

Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa ka aargoosatay naadiga Barcelona oo ay ku booqatay garoonka Camp Nou, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-3, waxaana goolasha u kala dhaliyay Cristiano Ronaldo oo 2 gool ah, iyo Weston McKennie.

Kooxda RB Leipzig ayaa cashir lama ilaabaan ah u dhigtay naadiga reer England ee Manchester United, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-2, Leipzig ayaa u gudubtay wareega xiga ee 16-ka, halka United-ka ay ka war sugi doonto natiijada ka soo baxda kulanka la joojiyay ee PSG iyo Istanbul.

Dhanka kale waxaa gabi ahaanba la joojiyay kulankii u dhaxeeyay kooxaha Paris Saint-Germain iyo Istanbul Basaksehir, kaddib markii ay kooxda reer Turkey ku eedeysay garsoorka afaraad ee ciyaarta inuu kula kacay fal cunsirnimo ah.

Haddaba halkaan hoose ka eeg guud ahaan natiijooyinka kulammadii caawa laga ciyaaray Koobka Horyaallada Yurub ee Champions League:-

GROUP E

Chelsea1 – 1 FC Krasnodar

Rennes 1 – 3 Sevilla

GROUP F

Lazio 2 – 2 Club Brugge

Zenit St. Petersburg 1 – 2 Borussia Dortmund

GROUP G

Barcelona 0 – 3 Juventus

Dynamo Kyiv 1 – 0 Ferencvaros

GROUP H

Int. Paris Saint-Germain 0 – 0 Istanbul Basaksehir

RasenBallsport Leipzig 3 – 2 Manchester United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here