Raysal wasaaraha New Zealand oo si lama filaan ah ugu dhawaaqday in ay xilka ka degayso

0
105

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Jacinda Ardern ayaa ku dhawaaqday inay iska casilayso xilkaraysal wasaaraha New Zealand bisha soo socota, iyadoo sheegtay inaysan hadda haynin “awood “ay ku sii hoggaamiso dalka.

Waxay ka tagi doontaa hoggaanka xisbiga shaqaalaha ugu dambayn 7-da bisha Febraayo. Waxaa jiri doona codayn maalmaha soo socda si loo go’aamiyo qofkii bedeli lahaa .New Zealand waxay qaban doontaa doorasho guud 14-ka Oktoobar.

 Ms Ardern, oo 42 jir ah, ayaa sheegtay inay wakhti ku qaadatay inay ka fikirto mustaqbalkeeda fasaxii xagaaga.

“Waxa aan rajaynayay in aan helo waxa aan u baahnaa in aan ku sii wado muddadaas, laakiin, nasiib darro, ma helin,” ayay u sheegtay wariyaasha.

 Ms Ardern ayaa noqotay haweenaydii ugu da’da yareed dunida markii loo doortay xilka ra’iisul wasaaraha 2017, oo da’deedu ahayd aged 37 ir.

 Waxayna sanad kadib noqotay hogaamiyihii labaad ee loo doorto aduunka ee abid umusha iyadoo xilka haysa.

 Intii ay xilka haysay waxaa soo maray dalkeeda New Zealand, musiibada Covid-19 weerarkii masaajidka magaalada Christchurch iyo foolkaano ka dhacday jaziiradaha dalkaas.

“Kow waa inaad dalkaaga hoggaamiso wakhtiga nabadda, iyo wakhtiga dhibaato,” ayay tiri Jacinda.

Waxay sheegtay in ay jireen culeyso fara badan hase-yeeshee xalintooda loo maray hab wanaagsan iyadoo u dhaqmin kaliya in ay maamul tahay, laakin muujisay in ay la dareentay shacabkeeda dhibaato kasta.

 Ms Ardern ayaa xisbiga Labour-ka ku hogaamisay guul weyn oo doorasho ah sanadka 2020-ka, balse caannimadeeda gudaha ayaa hoos u dhacday bilihii la soo dhaafay heerar cusub, marka loo eego ra’yi ururin la sameeyay.

 Si kastaba ha ahaatee Ms Ardern ayaa ku sheegtay iscasilaadeeda sababo la xiriira in aaminsan tahay in xisbiga Labour-ku uusan ku guuleysan karin doorashada, oo ay la tahay in ay taasi dhici doonto. “Waxaan u baahanahay garabyo cusub oo loolama,” ayay tiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here