Rasmus Hojlund oo Man United Ka Hor Istaagi Kara Saxiixyo Kale Suuqa Xagaagan

0
139

Kismaayo (Idaacadda Waamo)Rasmus Hojlund ayaa haatan qarka u saaran inuu ku biiro Manchester United ka dib markii kooxda Erik ten Hag ay ogolaatay lacag dhan 85 milyan euro oo ay kula soo wareegtay xiddiga.

Wararka ayaa sheegaya in ay Man United lacagta u bixin doonta 75 milyan oo euro iyo 10 milyan oo guno ah oo ku xidhan qaaab ciyaareedka xiddiga.

Ku Biirista Hojlund ayaa ee Man United ayaa kooxda ku noqon doonta dhibaato dhinaca suuqa kala iibsiga ah.

Sida laga soo xigtay The Times, Kooxda Man United ayaa kaliya samayn doonta hal saxiix oo kale suuqa kala iibsiga xagaagan.

Sidoo kale saxiixa ay Samayn doonto Man United ayaa ku xidhnaan doonta xiddigaha ay iska iibiso inta uu furanyahay suuqa xagaaga.

Wararka ayaa sheegaya in saxiixa kale ee ay Man United samayn doonto uu yahay xiddiga Sofyan Amrabat Kaas oo uu Ten Hag doonayo in uu ku xoojiyo khadkiisa dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here