RASMI: Xulalka Ilaa Haatan U Soo Baxay Tartanka Euro 2020

0
311

Kismaayo(Idaacada Waamo) Waxaa Jiro 16 Xul oo Si Rasmi ah u Xaqiijiyay Booskooda Wareega Group-yada ee Tartanka Euro 2020 ee Xagaaga Dambe La Qaban Doono iyaga oo Kusoo Baxay Kulamada is Reeb-reebka Tartanka Euro 2020.

Xulalka Austria, Nethelands, Germany iyo Croatia ayaa ahaa 4-tii Xul ee Xalay usoo Baxay is Reeb-reebka Tartanka Euro 2020 Kadib Markii ay Ciyaareen Kulamadii ay Ciyaarayeen.

Xulka Belguim iyo Xulka Italy ayaa ah Xulalka ilaa Haatan ugu Fiican is Reeb-reebka Tartanka Euro 2020 iyaga oo Dhamaan Wada Badiyay Kulamadii ay Ciyaareen Tan ilaa Bilowdgii.

Haatan Waxaa Kaliya Haray 4 Boos oo Laga Doonayo Xulalka Wali Rajada Ka leh in ay iska Xaadiriyaan Tartanka Euro 2020 ee La Ciyaari Doono Xagaaga Dambe.

Halkan Kaga Bogo Xulalka Ilaa Haatan U Soo Baxay Tartanka Euro 2020 :

  1. Belgium,
  2. Turkey,
  3. Poland,
  4. Russia,
  5. Ukraine,
  6. Italy,
  7. France,
  8. Spain,
  9. England,
  10. Czech Republic,
  11. Croatia,
  12. Austria,
  13. Nethelands,
  14. Germany,
  15. Sweden,
  16. Finland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here