RASMI: Xiriirka La Liga Oo Ganaaxay Xidiga Real Madrid ee Gareth Bale, Iyo Inta Kulan ee La Ganaaxay ?

0
400

Kismaayo(Waamo Radio) Xidhiidha horyaalka La Liga ayaa si Rasmi u Ganaaxay Xiddiga Garabka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Gareth Bale kaas oo kaadhka cas loo taagay kulankii ay Real Madrid bar-baro la gashay kooxda Vilaarreal.

Gareth Bale ayaa loo Taagay Laba Kaar oo Digniin ah ka hor inta aan kaarka cas Loo taagin Dhamaadkii Qaybtii Dambe ee Ciyaarta Kulan dhacay Axadii.

Xidhiidha La Liga ayaa go,aansaday in Gareth Bale Dusha Laga saaro hal kulan taas oo la macno ah in uuna ciyaari doonin kulanka Kusoo Wajahan Kooxdiisa oo Ay La Ciyaareyso Kooxda Levante ee horyaalka La Liga.

Xidhiidha La Liga ayaa Real Madrid Ka Diiday Racfaan ay ka Gudbiyeen Kaarkii 2-aad ee Digniinta ee Keenay in kaarka cas Loo taago Xiddiga reer Wales.

Gareth Bale ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan isaga oo ku lug lahaa 3 gool 3-dii kulan ee uu ciyaaray isaga oo 2 gool dhaliyay mid kalena Isaga Ayaa caawiye ka noqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here