RASMI: Xidiga David Silva oo Ka Tagay Kooxda Man City

0
325

Spain-(Idaacadda Waamo) Halyeeyga Kooxda Manchester City David Silva ayaa Ku Biiray Kooxda Reer Spain ee Real Sociedad Heshiis Lama Filaan Ku Noqday Qof Walba Xilli La Filayay inuu Xidiga Reer Spain u Wareegayo Kooxda Reer Italia ee Lazio.

Real Sociedad ayaa David Silva Ka afduubatay Kooxda Talyaaniga ee SS Lazio Kuwaasoo Mushahar Fiican, Guri iyo Diyaarad Qaas ahba usoo Bandhigay Halyeeyga Rugcadaaga ah ee Kooxda Manchester City.

Laakiin David Silva ayaa haatan si rasmi ah ugu biiray kooxda Real Sociedad isagoo si xor ah uga tagay Manchester City maanta ka dib markii uu dhacay qandaraaskii uu ku joogay Etihad Stadium 10kii sannadood ee ugu danbeysay.

Heshiiska uu David Silva haatan ugu Biiray Real Sociedad ayaa ku soo aadaya Xilli Manchester City ay Shaacisay inay Taalo uga dhisi doonto xiddiga Reer Spain Banaanka Garoonka Etihad Stadium.Image

Silva ayaa 10-kii Sanadood uu Joogay Etihad Stadium Waxa uu Ka Caawiyay Manchester City Koobab Badan.

“Toban sannadood iyo 13 Koob Kadib, Waxaa La Joogaa Waqtigii aan Macsalaameyn Lahaa Kooxda Kuwaasoo Meel Weyn Ka Galay Nolosheyda.

“Aad ayaan ugu Faraxsanahay inaan Waqtiyadaan Xusuusta Leh aan La Qaatay Qoyska City – Waxaad Mar Walba Ku Jiri Joontaan Wadnaheyga”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here