RASMI : Virgil Van Dijk Oo Ku Guuleystay Xiddiga Sanadka Ee Horyaalka Ingiriiska

0
439

Kismaayo(Waamo Radio) Xiddiga reer Holand ee daafaca uga ciyaara kooxda Liverpool ee horyaalka Ingiriiska ee Premier League-ga Virgil Van Dijk h ayaa si rasmi ah xaley ugu guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka sanadka.

Van Dijk oo Liverpool uga soo biiray Southampton sanadkii hore ayaa u saftay 50 kulan oo ka mid ah Premier League-ga waxaana uu ka saaciday 27 aan wax gool ah laga dhalin.

Abaalmarinta ayuu ka qaaday xiddigo ay ka mid yihiin Sadio Mane, Sergio Auguero, Eden Hazard. Bernando Silva iyo Raheem Serling, waxaana kaalinta labaad soo galay Raheem Serling,

Van Dijk ayaa noqday difaacii ugu horeeyay ee abaal marinta xidiga sanadka Premier league ku guulaystay tan iyo sanadkii 2005 kii markaas oo uu John Terry ahaa difaacii ugu danbeeyay ee abaal marintan ku guulaystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here