RASMI: Tottenham Oo Xaqiijisay Saxiixeedii 2-aad Ee Bishaan January.

0
847

Kismaayo(Idaacada Waamo) Kooxda Tottenham Hotspur ayaa Si Rasmi ah u Xaqiijisay in ay Dhamaystirtay Saxiixa Xiddiga Garabka Ka Ciyaara ee Steven Bergwijn Kaas oo ay Kala Soo Wareegtay Kooxda Reer Holland ee PSV.

Xiddiga reer Holland ee Steven Bergwijn ayaa Noqday Saxiixii 2-aad ee ay Kooxda Tottenham Samayso intii Lagu Jiray Suuqa January isaga oo Qalinka Ku Duugay Heshiis Wakhti Dheer ah.

Steven Bergwijn ayaa Qainka Ku Duugay Heshiis uu Kooxda Kula Joogi Doono ilaa Xagaaga 2025 Waxaana uu Kooxda u Xiran Doonaa Lambarka No.23 oo uu Baneeyey Xidigii Hore ee Kooxda ee Christian Eriksen.

Xiddiga ayaa Ku soo biiray Tottenham Kadib Markii uu Kamid Noqday Xiddigaha ugu Fiican Horyaalka Dalkiisa ee Holland Xilli Ciyaareedkii Horena Kooxdiisa u Dhaliyay 17 Gool Tartamada oo Dhan.ImageImage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here