Mario Mandzukic Ayaa Heshiis cusub Siiyey Kooxdiisa Marwada Duqda ee Juventus Oo Kusii Joogi Doono Ilaa 30- July-2021
Kooxda Juventus ayaa xaqiijisay in ay heshiis cusub ka saxiixatay weeraryahankeeda Mario Mandzukic kaas oo qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu ku sii joogi doono hogaamiyayaasha horyaalka Serie A-da.
Shabakadaha Italia Kasoo ayaa sheegaya in heshiiska cusub ee Mario Mandzukic la macno yahay in uu xiddigu Mushahar u qaadan doono lacag dhan 5.5 milyan euro xilli ciyaareedkiisa.
Waxa intaas u dheer lacago guno ah oo ku jira heshiiskiisa kooxda Juventus lacagtaas oo lagu soo waramayo in ay ku kacayso lacag dhan 1 milyan oo euro sanadkii oo ku xidhan qaab ciyaareedkiisa iyo goolasha uu dhaliyo.
Xiddiga reer Croatia oo noqday 33 jir ayaa kooxda Juventus kaga soo biiray kooxda Atletico Madrid xagaagii 2015 kadib markii uu u soo ciyaaray kooxaha NK Zagreb, Dinamo Zagreb, Wolfsburg & Bayern Munich.
Xiddiga ayaa kooxda Juventus u saftay 159 kulan tartamada oo dhan isaga oo u dhaliyay 43 gool sidoo kale caawiye ka noqday 24 gool oo kale kooxdana kula guulaystay saddex horyaal oo Serie A-da ah.
Mario Mandzukic ayaa ah xiddigii 2-aad ee ay kooxda Juventus heshiis cusub ka saxiixato bilihii ugu dambeeyay kadib markii ay horay mustaqbalkiisa u hubisay da,yarka Daniele Rugani.