RASMI :- Manchester United oo Heshiis Muddo Dheer ah Ka Saxeexday Xiddiga Dean Henderson

0
408
England-(Idaacadda Waamo) Manchester United ayaa Shaacisay inay Heshiis Rasmi ah oo 5-Sannadood ah ay Sa Saxiixatay Goolhayaheeda Da’da yar ee Dean Henderson oo Kasoo Laabtay amaah uu Labadii Xili Ciyaareed ee ugu Dambeeyey Kaga Maqnaa Old Trafford.

Goolhaye Henderson ayaa Qalinka Ku Duugay Heshiis Soconaya ilaa Sanadka 2025 iyo Sanad Kale oo Dheeraad ah oo Doorasho ah, Taas oo albaabada Ka Xiraysa Kooxda Chelsea oo Doonayaysay inay Laacibkan La Saxiixato Xagaagan si uu ugu Beddelo Goolhayaha Chelsea Kepa Arrizabalaga.

Dean Henderson oo uu Tababare Gareth Southgate Ku Daray Xulka Qaranka England ee Kulamada Soo Socda ee Bisha September ay Ciyaari Doonto, Xidiga ayaa Kasoo Baxay Kulliyadda Da’yarta Manchester United oo uu Ku Biiray iyadoo ay Da’diisu Tahay 14-Jir, Waxaanu Heshiiskiisan Cusub yimid Waqti aad Loo Saluugsan yahay Goolhaye David de Gea.

23-Jirkan ayaa Xili Ciyaareedkii Hore oo uu amaah ugu Ciyaaray Kooxda Sheffield United Waxa uu Shabaqiisa Ilaashaday 13- Ciyaarood oo Horyaalka Premier League ah.

Markii uu Heshiiska Saxiixay ayaa uu Henderson La hadlay Warbaahinta, Waxaanu yiri: “Dariiqii aan Soo Qaaday 5-tii Sannadood ee ugu Dambeeyey Wuxuu ahaa Mid Heer Sare ah oo u Wanaagsanaa Horumarkayga iyo Waqti amaah aad u Qiimo Badnaa oo aan Kaga Soo Mid ahaa Kooxda Sheffield United.

Dean Henderson ayaa Goolhayaha Koowaad ee Manchester United Wuxuu Kula Dagaallami Doonaa David De Gea iyo Sergio Romero, Laakiin Dad Badan ayaa Rumaysan inuu yahay Goolhayaha Mustaqbalka ee Kooxda, Loona Carbinayo inuu Biraha Dhexdooda Kala Wareego Goolhayaha Reer Spain oo Qaladaad Badan Sameeyey Xili Ciyaareedkii Tagey.

ImageImageImage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here