RASMI: Lionel Messi Oo Ku Guulaystay Xiddiga Ugu Fiican Horyaalka Dalka Spain ee La Liga Ee Bishii March

0
431

Kismaayo(Waamo Radio) Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ku guulaystay xiddiga ugu fiican bishii March ee Horyaalka La Liga kadib qaab ciyaareed cajiib ah kooxdiisana ku hogaamiyay guulo muhiim ah.

Lionel Messi ayaa dhaliyay 6 gool kulamadii uu u ciyaaray kooxdiisa bishii March kuwaas oo ahaa 3 kulan isaga oo sii dheeraystay hogaanka gool dhalinta horyaalka La Liga

Messi ayaa goolal ka kala dhaliyay kooxaha Rayo Vallecano, Real Betis iyo waliba Espanyol kuwaas oo uu ka caawiyay kooxdiisa in ay kabaha la dul marto Kooxaha kale siina dheerasatay Hogaanka horyaalka La Liga.

Xiddiga ayaa abaalmarinta la gudoonsiin doonaa maalinta Sabtida ah ee bari ka hor inta uuna bilaaban kulanka weyn ee ay Barcelona marti galin doonto kooxda Atletico Madrid kulan La Liga ah.

Messi ayaa xilli ciyaareedkan dhaliyay 32 gool oo horyaalka La Liga ah isaga oo ah xiddiga ugu goolasha badan yuru tartamada oo dhan goolal raaxo lehna ku hogaaminaya gool dhalinta.

Qaab ciyaareedka Lionel Messi ayaa kooxdiisa ka caawiyay in ay ilaa haatan xilli ciyaareedka haysato rajada ah in ay ku guulaysan karto sadddex koob xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here