RASMI: Liiska Xiddigaha Chelsea Ee Kulanka Guul ama Geerida U Ah Potter Oo Lasoo Saaray

0
147

Graham Potter ayay u tahay guul ama geeri kulanka galabta ee Leeds United ay kusoo dhoweynayaan Stamford Bridge, waxaana uu ka mid yahay labada kulan ee loo sheegay inuu mustaqbalkiisu ku xidhan yahay oo haddii uu guul ka keeni waayo la eryayo.

Blues ayay dersin ciyaartooyo ahi kaga maqan yihiin dhaawac, sida Thiago Silva oo muddo lix usbuuc ah u jiifi doona dhaawac jilibka ah oo kasoo gaadhay ciyaartii Tottenham, Mason Mount oo shalay la xaqiijiyey maqnaanshihiisa iyo Reece James.

Waxa kle oo Chelse adhaawac kaga maqan Cesar Azpilicueta, halka ciyaartani ay waqti hore ku tahay N’Golo Kante iyo Christian Pulisic, sida uu xaqiijiyey Potter. Waxa kale oo aanay Chelsea heli doonin ciyaartoyda muddada dheer maqnaa ee Edouard Mendy iyo Armando Broja.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here