RASMI :- Kulankii u Dhexeeyay Arsenal iyo Man City ayaa La Baajiyay iyo Coronavirus oo Sabab u ah.

0
357

Kismaayo(Idaacada Waamo) Waxa Si Rasmi ah Loo Baajiyay Kulankii Dhex Mari Lahaa Kooxaha Arsenal iyo Man City ee Ka Tirsanaa Horyaalka Premier League Kana Dhici Lahaa Garoonka Kooxda Arsenal ee Emirates.

Man City ayaa u Balansanaa in ay La Ciyaarto Arsenal Kulan Ka Tirsanaa Todobaadkii 28-aad oo Horay Looga Baajiyay Todobaadkii Hore.

Laakiin Kooxda Man City ayaa Si Rasmi ah u Xaqiijisay in Dib Loo Dhigay Ciyaartaan Sabab La Xiriira Xanuunka Dhibay aduunka ee Coronavirus.

Sababta Loo Baajiyay Kulanka ayaa ah Kadib Markii Qayb Ka Mid ah Maamulka Sare ee Kooxda Arsenal Xiriir La Sameeyeen Milkiilaha Kooxda Olympiacos Kaas oo La Xaqiijiyay in Laga Helay Xanuunka Coronavirus.

Sidaas Darteed Xiddigaha iyo Shaqaalaha Arsenal ayaa 14 Maalin Lagu Heyn Doonaa Meel Gaar ah Si Loo ogaado in ay Qaadeen Xanuunka aduunka Ka yaabsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here