Madrid(Idaacadda Waamo)- Kooxdii ugu wanaagsanayd sannadka 2020 ayaa lasoo saaray, waxaana kasoo muuqday xiddigo waaweyn oo ka kala ciyaara horyaallada waaweyn ee Yurub.
Xiddigaha reer Argentina iyo reer Portugal ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa kusoo baxay shaxda kooxdii ugu wanaagsanayd sannadka ee FIFA’s Team of the Year for 2020.
Shaxda kooxdii sannadka oo dhamaystiran:
GOOLKA: Alisson
Difaaca: Alexander-Arnold, Van Dijk, Ramos, Davies
Dhaxda: Kimmich, De Bruyne, Thiago
Weerarka: Messi, Lewandowski, Ronaldo