RASMI :- Kooxaha Iska Xaadiriyay Wareega Xiga ee 8 Dhamaadka Champions League.

0
404

Kismaayo(Idaacada Waamo) Waxaa La Ciyaaray Qaar Kamid ah Wareega 16-aad ee Tartanka Yurub ee champions League kuwo ayaa Guulo Gaaray oo Wareega 8 Dhamaadka Iska Xaadiriyey Kuwana Waa La Ciribtirey oo Tartankii Waa Laga Reebay.

Wareega 8 Dhamaadka Tartanka Champions League ayaa Si Rasmi ah Waxaa isaga Soo Xaadiriyay 4 Kooxood Kadib Kulamadii Todobaadkan La Ciyaaray ee Tartanka yurub Champions League.

Kooxdii Difaacanaysay Tartanka Champions League ee Liverpool ayaa Si Fool Xun uga Hartay Tartanka Champions League Kadib Guuldaro kasoo Gaartay Kooxda Reer Spain ee Atletico Madrid.

Kooxda PSG ayaa iyaguna Si Dhib yar isaga Soo Xaadirisay Wareega 8 Dhamaadka Tartanka Champions League Kadib Markii ay Guuldaro Xanuun Badan Dhadhansiiyeen Kooxda Bourssia Dortmund.Image

Kooxda Kale Kooxda Tottenham oo Eheyd Kooxdii Gaartay Finalkii Tartanka Champions League Xili Ciyaareedkii Hore ayaa iyadana Laga Cirib Tiray Tartanka Champions League Kadib Guuldaro ay Kasoo Gaartay Kooxda RB Leipzig.Image

Kooxda Wacdaraha Dhigaysa Tartanka Champions League ee Atalanta ayaa Dhankeeda iska Soo Xaadirisay Wareega 8 Dhamaadka Kadib Markii ay Kasoo Talaabsatay Kooxda Reer Spain ee Valencia .Image

Halkan Kaga Bogo Kooxaha sida Rasmiga ah isaga xaadiriyay wareega 8 dhamaadka:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here