RASMI: Juventus oo Shaacisay Saxiixa Daafaca Muhiim ah

0
205

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Juventus ayaa si rasmi ah u shaacisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Bremer kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Torino.

Kooxda Juventus ayaa xaqiijisay in uu xiddiga reer Brazil qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda Juventus ilaa sanadka 2027.

Kooxda reer Italy ayaa xaqiijisay sidoo kale in ay xiddiga ka bixiyeen lacag dhan 41 milyan oo euro iyo 9 milyan oo Gunooyin ah.

Kooxda Juventus ayaa u dhaqaaqday saxiixa xiddiga Bremer si ay ugu buuxiyaan boosaska ay baneeyeen xiddigaha e Light & Giorgio Chiellini kuwaas oo ka tagay kooxda.

Xiddiga Bremer ayaa kooxda ay Juventus ku xafiiltamaan magaalada Turin joogay 4 xilli ciyaareed isaga oo kooxda u saftay 110 kulan tartamada oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here