RASMI: Jurgen Klopp Oo Heshiis Cusub U Saxiixay Liverpool.

0
353

Kismaayo(Idaacada Waamo) Liverpool ayaa si Rasmi ah Heshiis Cusub Kaga Saxiixatay Tababaraheeda Jurgen Klopp Kaas oo Ogolaaday in uu Qalinka Ku Duugo Heshiis Cusub.

Tababarahan Reer Germany ayaa Qalinka Ku Duugay Heshiiska uu Kooxda Kusii Hogaamin Doono 4 Sano iyo Bar Kale Kaas oo Ku Dhamaan Doona Dhamaadka Xilli Ciyaareedka 2024.

Caawiyayaasha Jurgen Klopp ee Pepijn Lijnders & Peter Krawietz ayaa Sidoo Kale Ogolaaday inay Lasii Shaqeeyaan Tababare Jurgen Klopp iyaga oo Saxiixay Heshiis Cusub.

Heshiiskan Cusub ayaa Kusoo Beegmaya Kadib Muddo 4 Sano oo uu Kooxda Liverpool La Qaatay Guulo Waaweyn Waliba Dhisay Koox Si Weyn Looga Qiimeeyo adduunka.

Klopp oo Noqday Tababarihii ugu Horeeyay ee Liverpool Kula Guulaysta Kooxda Champions League Tan ilaa 2005 ayaa Mustaqbalkiisa u Dhiibay Kooxda Liverpool.

Klopp oo Ka Hadlaya Heshiiska ayaa yiri”Aniga Shaqsi ahaan Waa arin Muujinaysa Waxa Fiican ee aan Dhisnay intii aan Wada Shaqaynayay Liverpool iyo Waxa aan Gaari Doono mustaqbalka”. “Markii aan arkay horumarka kooxda iyo waliba sida ay shaqada u wadaan waxa aan dareemay in aan in aan sii Wadi Karo shaqada”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here