RASMI: Jose Mourinho Oo Loo Magacaabay Tababaraha Cusub Ee Kooxda Tottenham

0
339

Kismaayo(Idaacada Waamo) Kooxda Kubada Cagta ee Tottenham ayaa xaqiijisay in ay Tababareheeda Cusub Ka Dhigtay Tababare Jose Mourinho Kadib Markii ay Shaqada Ka Cayriyeen Tababare Mauricio Pochettino.

Tababarihii Hore ee Kooxaha Chelsea iyo Man United ee Jose Mourinho ayaa Qalinka Ku Duugay Heshiis uu Kooxda Kusii Hogaamin Doono ilaa Dhamaadka Xilli Ciyaareedka 2022/2023.

“Tayada xiddigaha kooxda 1-aad iyo waliba tayada da,yarka kooxda ayaa i Xiiso galisay”ayuu yidhi Jose Mourinho. “La shaqaynta Xiddigaan ayaa isoo Jiidatay”ayuu Hadalkiisa sii raaciyay.

Tababare Jose Mourinho ayaa hogaamin doonaa kooxdii 3-aad ee ka dhisan horyaalka Premier League Kadib Markii uu Horay usoo Hogaamiyay Kooxaha Chelsea iyo Man United Haatana Kooxda Tottenham .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here