RASMI: Joao Cancelo oo heshiiska u kordhiyey Kooxdiisa Manchester City

0
151

Kismaayo(Idacaadda Waamo)-Joao Cancelo ayaa heshiiska u kordhiyey kooxdiisa Manchester City, waxaana uu Naadiga la sii joogi doonaa illaa sanadka 2027-ka.

Bayaan ay kooxda Man City soo dhigtay Website-keeda rasmiga ah ayaa u dhignaa: “Manchester City waxa ay ku faraxsan tahay inay xaqiijiso in Joao Cancelo uu saxiixay qandaraas laba sano ah.”

Heshiiska cusub ee 27-sano jirkaan uu qalinka ku duugay ayaa la macno ah inuu sii joogi doono Garoonka Etihad ilaa xagaaga 2027-ka, markaas oo uu siddeed sano ku qaadan doono kooxda.

“Manchester City waa koox cajiib ah, sidaas darteed aad ayaan ugu faraxsanahay inaan saxiixo heshiiskan cusub,” ayuu yiri Joao Cancelo oo daafaca uga ciyaara Sky Blue.

Tan iyo markii uu Manchester City ku soo biiray xagaagii 2019-kii, Cancelo waxa uu ciyaaray 106 kulan, waxaana uu ku guulaystay saddex koob oo waa weyn sida ay kooxdiisu xaqiijisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here