RASMI: Horyaalka La Liga Dalka Spain oo Si Rasmi ah Loo Joojiyay iyo Coronavirus oo Sabab U ah.

0
363

Kismaayo(Idaacada Waamo) Xiriirka Kubada Cagta Spain ayaa si Rasmi ah u Xaqiijiyay in Dhamaan La joojiyay xilli Ciyaareedka Horyaalka La Liga iyo Waliba Dhamaan Heerarka kala Duwan ee Horyaalada Spain.

Go’aankan ayaa yimid Kadib Markii uu Xanuunka Coronavirus uu Si Weyn ugu Faafay Dalka Spain Walibo Magaalooyin Waaweyn oo Kamid ah Taas oo Keentay in La Go’aamiyo Joojinta Horyaalka Wakhti aan La ogayn.

Xiriirka La Liga ayaa Doonaya in La yareeyo Faafinta Xanuunka Coronavirus Waxana ay Go’aamiyeen in Gabi ahaan La Joojiyo Dhamaan Dhaq-dhaqaaqa Ciyaaraha Kubada Cagta.

Ilaa Haatan Lama oga in Sidaas Lagu Kansali Doono Xilli Ciyaareedkan iyo in Dib Loo Bilaabi Doono Si Loo Dhamaystiro Kulamada Ka Dhiman Xilli Ciyaareedkan.

Kooxda Barcelona ayaa 2 Dhibcood Ku Hogaaminaysa Horyaalka La Liga ee Xilli Ciyaareedkan iyaga oo Ka Horeeya kooxda ay Sida weyn u Xifaaltamaan ee Real Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here