England-(Idaacadda Waamo) Kooxda Man United ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Donny van de Beek kaas oo ay kala soo Wareegtay Reer Holland ee kooxda Ajx.
Xiddiga khadka dhexe ee reer Holland ee Donny van de Beek ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee kooxda Man United suuqa kala iibsiga xagaagan.
Donny van de Beek oo 23 jir ah ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu kula joogi doono kooxda ku ciyaara kooxda Old Trafford ilaa xagaaga 2025.
Donny van de Beek ayaa yiri. “Ma cabiri karo farxada aan dareemayo in aan ku soo biiray kooxda taariikhiga ah ee Man United”
Xidiga Donny van de Beek ayaa Xiran Doono Lambarka 34 ee Kooxda Kaas oo ahaa Lambar Banaan oo aan in Mudo ah La Xiran.

