RASMI: Cristiano Ronaldo Oo La Gudoonsiiyay Abaalmarinta Golden Foot Award.

0
258

France-(Idaacadda Waamo)-C.ristiano Ronaldo ayaa la gudoonsiiyey abaalmarin ay ku riyoodaan ciyaartoyda oo dhan, Xiddiga kooxda Juventus ayaa la gudoonsiiyay abaalmarinta Cagta Dahabka Ee Golden Foot Award.

Waa abaalmarin qiimo weyn u leh ciyaartoyda kubada cagta, madaama sharciga uu yahay in ciyaaryahan uu kaliya hal jeer ku guuleysan karo waayihiisa ciyaareed oo dhan.

1-dii bishaan December ayaa la shaaciyay in Ronaldo uu yahay xiddiga sannadkan ku guuleystay abaalmarinta, waxaana abaalmarinta lagu gudoonsiiyey  xaflad albaabada ay u xirnaayeen oo ka dhacday magaalada Monaco ee dalka France.

Xiddiga reer Portugal ayaa la qaaday sawirka cagihiisa oo lagu soo bandhigay xarunta caanka ah ee “Champions Promenade” ee magaalada Monte-Carlo ee gobolka Monaco.Image

Abaalmarinta cagta dahabka waa Cristiano Ronaldo ku wareejiyay Louis Ducuet oo ay dhashay amiirada Monaco Stephanie, wuxuuna wakiil ka ahaa amiirka Monaco Prince Albert-ka labaad.

Boqortooyada Monaco ayaa sidoo kale muuqaal hambalyo ah u soo dirtay Cristiano Ronaldo iyo madaxweyna kooxda Juventus Andrea Agnelli.

“Sharaf ayay ayey inoo tahay ismaamulka Monaco inay cagaha guuleyste sida Cristiano Ronaldo iyo madaxweynaha Juventus Andrea Agnelli ku soo kordhiyaan The Champions Promenade.”

Liiska Ciyaartoyda Ku Guuleysatay

Sannadka Ciyaaryahan Kooxda
2003 Italy Roberto Baggio Italy Brescia
2004 Czech Republic Pavel Nedvěd Italy Juventus
2005 Ukraine Andriy Shevchenko Italy Milan
2006 Brazil Ronaldo Spain Real Madrid
2007 Italy Alessandro Del Piero Italy Juventus
2008 Brazil Roberto Carlos Turkey Fenerbahçe
2009 Brazil Ronaldinho Italy Milan
2010 Italy Francesco Totti Italy Roma
2011 Wales Ryan Giggs England Manchester United
2012 Sweden Zlatan Ibrahimović France Paris Saint-Germain
2013 Ivory Coast Didier Drogba Turkey Galatasaray
2014 Spain Andrés Iniesta Spain Barcelona
2015 Cameroon Samuel Eto’o Turkey Antalyaspor
2016 Italy Gianluigi Buffon Italy Juventus
2017 Spain Iker Casillas Portugal Porto
2018 Uruguay Edinson Cavani France Paris Saint-Germain
2019 Croatia Luka Modrić Spain Real Madrid
2020 Portugal Cristiano Ronaldo Italy Juventus

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here