Spain-(Idaacadda Waamo) Barcelona ayaa Xaqiijisay in Xiddigeedii Khadka Dhexe ee Ivan Rakitic uu u Wareegay Kooxda Reer Spain ee Sevilla oo Lix Sannadood Ka hor ay Kala Soo Saxiixatay. Ivan Rakitic ayaa Dib ugu Laabtay Sevilla oo Sannadkii 2014 uu uga Soo Wareegay Kooxda Barcelona isaga oo Xilligaas Kusoo Guuleystay Tartanka Europa League.
Kubbad-sameeyaha Reer Croatia ee Ivan Rakitic ayaa Go’aansaday inuu iskaga Tago Kooxda Barcelona Kadib Markii uu Tababare Ronald Koeman u Sheegay in aanu Qorshihiisa Ku Jirin.
Xidigii Hore ee Kooxda Barcelona ee Ivan Rakitic ayaa Waxaa uu Isla Markiiba Dalab Ka Helay Kooxdiisii Hore ee Sevilla oo Ka Faa’iidaysatay Fursada Bixitaanka Xidiga.
Sida ay Barcelona ku sheegtay war-saxaafadeed ay soo saartay, Ivan Rakitic waxa uu Sevilla Tegay Markii ay Labada Kooxood Wada Gaareen Heshiis ay Ku Kala iibsadeen Laacibkan Ivan Rakitic ah.
Kooxda Sevilla ayaa Bixinaysa €1.5 milyan oo Euro oo ah Lacag aad uga Hoosaysa Middii ay Filan Karayeen Taageereyaasha Kooxda uu Xiddiga Kasoo Tagey ee Barcelona, Laakiin waxa kale oo qandaraaskiisa la socda €9 milyan oo Euro oo kale oo ay kooxda reer Catalonia heli doonto muddada uu Rakitic la joogo Sevilla Haddii ay Guulo Koobab ah Gaaraan, Sida Ku Xusan Heshiiska.
Sannad kasta oo kooxda reer Spain ee Savile ay usoo Gudubto Tartanka Europa League, Waxay Bixin Doontaa €750,000 Euro oo ay Barcelona Heli Doonto.
Xidigan 32 Jirka ah ayaa 6-dii Sannadood ee uu u Ciyaaray Kooxda Barcelona Waxa uu u Saftay Kulamo Gaaraya 310 Ciyaarood isaga oo Kula Guuleystay 4 Horyaal oo LaLiga ah, 4 Copa del Rey, 1 Champions League, 1 Club World Cup iyo 2 Spanish Super Cup ah.