RASMI: Arsenal Oo Shaqada Ka Cayrisay Tababaraheedii Unai Emery

0
397

Kismaayo(Idaacada Waamo) Kooxda Reer Landan ee Arsenal ayaa Xaqiijisay in ay Shaqada Ka Cayrisay tababare Unai Emery Kaas oo isaga Tagay Kooxda Muddo 18 Bilood Kadib oo uu Soo Hogaamiyay Kooxda Arsenal.

Tababare Unia Emery ayaa Shaqada Laga Joojiyey Kooxda Arsenal Kadib Markii ay Kooxdu Ku Bilaabatay Sidii ugu Xumayd Waayaheeda.

Go,aanka Maamulka Arsenal ayaa yimid Kadib Markii Xalay Kooxdu ay Guuldaro Kala Kulantay Kooxda Reer Garmany ee Frankfurt Kulanka Ayaana Ahaa Kulan Kamid ah Kulamada Koobka Europa League.

Kooxda Arsenal ayaa Soo Saartay Warbixinta Shaqo Ka Cayrinta Tababaraheeda Unai Emery Sidaan Ayuuna u Qornaa” Waxa aan Ku Dhawaaqaynaa in aan Kala Tagnay Tababaraha Kooxda ee Unai Emery iyo Waliba Shaqaalihiisa Tababarka”.

“Waxaana Shaqada Kooxda Si Ku Meel Gaar ah Loogu Dhiibay Freddie Ljungberg Kaas oo ahaa Halyeey Hore Ugu Soo Ciyaaray Kooxda Hadana Ka Mid Ahaa Shaqaalaha Kooxda Wuxuuna Hogaamin Doonaa Kooxda Wakhtiga Soo Socda”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here