Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Xiddiga xulka qaranka Brazil ee Raphinha Ayaa hanjabaad u diray xulka Argentine ka hor kulankooda soo socda.
Xulalka Brazil Iyo Argentine ayaa isaga hor iman doona kulan ka tirsan is reeb-reebka koobka adduunka ee qaarada.
Labada xul ayuu ka dhexeeyaa xafiiltan aad u weyn waxana si weyn loo sugayaa kulankooda soo socda.
Raphinha ayaa sheegay in ay garaaci doonaan Argentien waliba uu dhalin doono gool wax walba oo uu awoodana samayn doono.
“Waanu garaaci doonaa Argentina, shaki kuma jiro. Garoonka dhexdiisa iyo bannaankiisaba, haddii aan ku qasbanahay”.
Romario: “Ma waxaad dhalinaysaa gool?”.
Raphinha: “Haa, wax walba wan samayn doonaa”.