Ralf Rangnick oo balan qaad xiiso leh u sameeyay taageerayaasha kooxda Manchester United

0
129

Kismaayo (Idaacadda Waamo)Tababaraha kooxda Manchester United ee Ralf Rangnick ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in Red Devils ay awood u yeelan doonto inay u tartanto hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedka soo socda.

Manchester United ayaa ka fogaatay Premier League xilli ciyaareedkan, iyadoo kooxda ay ku jirto kaalinta afaraad ee kala sarreynta hogaanka iyaga oo leh 38 dhibcood, 19 dhibcood ayeey ka hooseeysaa hoggaamiyaasha Manchester City.

Wargeyska The Guardian ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay tababare Ralf Rangnick, wuxuuna yiri:

“Uma baahnin in kooxda la xoojo si aan ugu tartanno Premier League.”

“Kooxdu miyay u baahan tahay in si weyn loo xoojo si ay u tartamaan xilli ciyaareedka soo socda? U malayn maayo, guud ahaan kooxdu horumar ayay samaysay, qaab ciyaareedkii ay samaynaysay labadii todobaad ee u dambeeyayna wuu fiicnaaday.”

“Marka la eego guuldaradii naga soo gaadhay Middlesbrough, waxaan khasaarinay fursado badan oo fudud, waxaan ku helnay 22 darbo gudaha diilinta ganaaxa, 10 ka mid ah waxa ay ahaayeen fursado fiican.”

“Waxay ahayd inaan si fudud oo 3-0 ah ku badino qaybta hore, natiijadii ugu dambaysana waxay noqon kartay 6-1 ama 6-2 dhamaadka.”

Jamaahiirta Man United ayaa rajaynaya in kooxda ay ku guulaysato soo afjarida mudada dheer oo ay sugaysay hanashada Premier League, maadaama horyaalkii ugu dambeeyay ay ku guuleystaan uu ahaa xili ciyaareedkii 2012/2013.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here