Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka oo daahfuray shirka xal u helida barakacayaasha.

0
313

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya  Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa ayaa daah furay qorshaha maamulka gobalka Banaadir ee xal u helidda barakacayaasha.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa munaasabadda lagu daah furayay qorshaha ka sheegay in Abaaaro, daadad iyo isbedelka cimilada adduunka oo iskaashaday ay sababeen in dad badan ay barakacayaal noqdaan, sidaa darteen uu qorshahaanu uu gacan weyn ka geysan doono in la xal waara loo helo barakacayaasha ku nool gobalka Banaadir.

Qorshaha maamulka gobalka Banaadir ee xal u helidda barakacayaasha ayaa la jaan qaadaya qorshaha horumarinta qaranka 2020-2024, waxuuna guul ku tilmaamay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku in ay socdaan dadaallo mideysan oo shacabka, dowladda iyo beesha caalamku ay ku doonayaan in xal kama dambeys ah loo helo barakacayaasha gobalka Banaadir.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here