Ra’isul wasaaraha Itoobiya oo booqasho rasmi ah uga bilaabatay Bariga Dhexe

0
277

Itoobiya(Idaacada Waamo)Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa booqasho rasmi ah waxaa uu ku tegay wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) si uu ula kulmo dadka Itoobiyaanka ah ee ku nool waddamada Bariga Dhexe.

Inta uu ku guda jiro booqashadiisa, wuxuu la tashi la yeelan doonaa inka badan 15,000 oo Itoobiyaan ah oo laga kala keenay Sacuudiga, Lubnaan, Kuweyt, Cumaan, Qatar iyo Baxrayn.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa qeyb ka ah dadaallada Itoobiya ee ku aaddan xaqiijinta amniga iyo xuquuqaha sidoo kale abuuraya xaalad ku habboon dadka Itoobiya ee ku nool dalalka Bariga Dhexe.

In ka badan 100,000 oo Itoobiyaan ah ayaa guryahooda Itoobiya ku soo noqday ka dib markii Itoobiya qaadatay diblomaasiyad diiradda lagu saaray muwaadiniinta dalkaas u dhashay ee ku sugan wadamada Carbeed tan iyo markii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu xafiiska la wareegay bishii Abriil 2018.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here