Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo digniin u direy Ganacsatada

0
382

Muqdisho(Idaacadda Waamo)Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay guddoomiyay Shirka Qaran ee ka hortagga  Cudurka COVID 19.

Kulankaan oo ahaa qaab online ee Internet-ka ayaa waxaa ka qeyb galay Ganacsatada ku nool Gobolka Banaadir,waxaana diirada lagu saarayay sidii looga hortegi lahaa in Ganacsatada aysan Shacabka maciishada ugu qaaliyeyn maadaama Dowladda ay Canshuur dhaaf u sameysay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga digay Ganacsatada inay maciishadda ku qaaliyeeyaan shacabka, kadib markii uu dhaqan galay canshuur dhaafka,waxaana Ganacsatada ay aqbaleyn baaqa Ra’iisul Wasaaraha.

Talaadadii la soo dhaafay ayaa Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya waxaa ay ku dhawaaqdey in Canshuur dhaaf loo sameeyey qaar ka mid ah cunnada qutul daruuriga ee dalka soo gasha,kadib markii ay soo korortay cabsida laga qabo inay yaraadaan Cuntooyinka dalka soo gala sababo la xiriira Cudurka Corona-virus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here