Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeeray xarunta safaaradda Soomaaliya ee Kuwait

0
251

Kuwait(Idaacadda Waamo)-Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta booqday xarunta Safaarada Soomaaliya ee dalka Kuwait oo ay wehliyaan sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawud iyo masuuliyiin kale.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu warbixin ka dhageystay safiirka iyo howlwadeennada  safaaradda waxaana uu uga mahadceliyay shaqada ay qaranka ku hayaan sidoo kale waxa uu ku dhiiri galiyay inay sii labo jibaar shaqada culus oo ay uhayaan bulshada Soomaaliyeed iyagoo matalaya qaranka Soomaaliyeed.

Wafdi uu hogaaminayo Ra’isul wasaaraha dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dalka Kuwait u jooga Tacsi Amiirkii dalkaasi oo dhawaan ku geeriyooday dhawaan dalka Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here