Kismaayo(Waamo Radio)Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxmed Guuleed (Khadar) ayaa maanta si rasmi ah u daah furay shirka caalamiga ah ee madasha wada-tashiga Soomaaliya (SPF) oo socon doona muddo laba maalin ah.
Shirka caalamiga ah ee madasha wada-tashiga Soomaaliya, oo horay uga dhici jiray waddamada Yurub ayaa waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin ka socota caalamka iyo dowladaha saaxiibbada la ah.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa furitaanka shirka ka sheegay in dowladdu ay horumar ka gaartay dhinacyada dib-u-habeynta amniga, dhaqaalaha, howl-gallada cadawga lagu baacsanayo argagaxisada.
Xiritaanka shirka caalamiga ah ee madasha wada-tashiga Soomaaliya ayaa laga soo saarayaa war-murtiyeed looga hadlayo natiijada.
Abdijamal Moalim Ahmed.
Radio Waamo.