Ra’iisul wasaare Kheyre oo kulan la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed

0
269

Muqdisho-(Idaacadda Waamo)-Ra’iisul Wasaaraha Jamahuuriyadda mudane; Xasan Cali Khayre ayaa Xalay Xafiiskiisa ku qaabbilay rugta ganacsiga Soomaaliyeed, isagoo kala hadlay sida la iskaga kaashan karo ka hortagga faafidda caabuqa COVID-19.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay inaysan haba yaraatee wax saameyn ah ku yeelan maciishadda tallaabooyinka looga hortagayo faafidda caabuqan, isla markaana ay dowladdu kala shaqeyneyso ganacsatada fududeynta waxyaabaha muhiimka u ah nolosha bulshada.

Ra’iisul Wasaraaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay qeybta uga qaateen dedaallada looga hortagayo faafidda caabuqa COVID-19.

Kulanka oo ay qeyb ka ahaayeen mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda ee ku howlan howsha ka hortagga COVID-19 oo soo bandhigay warbaxin ka hadlaysa waxyaabaha qabsoomay iyo qorshayaasha looga gaashaamanayo COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here