Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan Soo Dhaweyn Ah La Qaatay Safiirka Cusub ee Dowladda Talyaaniga u Jooga Soomaaliya

0
355

Muqdisho(Waamo Radio)Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xassan Cali Khayre ayaa maanta kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya, Alberto Vecchi.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo safiirka cusub ee Talyaaniga ayaa looga hadlay xoojinta xariirka qotada dheer, soo jireenka ah ee ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa safiirka uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee Talyaaniga oo saaxiib dhaw la ah Soomaaliya ku bixiyo horumarka dalka oo ay qayb ka tahay qorshaha deynta looga cafinayo dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdillahi Farmaajo ayaa October 16, 2019 warqadaha safiirnimo ka guddoomay danjire Alberto Vecchi.

R/W,Kismaayo.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here