Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Oo Paris Kulan Ku Yeeshay

0
367

Paris(Idaacada Waamo)Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo ka qayb gelaya shir sanadeedka madasha nabadda Paris, ayaa kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergey Lavrov.

Kulanka oo qayb ka ahaa shir doceedyada uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayo madaxda ka qayb geleysa shirka madasha nabadda Paris, ayaa looga hadlay amniga, nabad-gelyada iyo taageerada saaxiibbada Soomaaliya ee dib-u-kabashada dalka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan doceed la qaatay wasiirka arrimaha dibadda Finland, Pekka Haavisto. Kulanka oo looga hadlay xoojinta xariirka labada dowladood ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka sheegay in taageerada Filand ay qayb wayn ka qaadatay dadaallada nabadeynta iyo dhismaha dowladnimo, uuna rajeynayo in dowladda Filand ay si buuxda Soomaaliya uga taageerto dadaallada deyn cafinta.

R/W,Abdi Ahmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here