Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo soo dhaweeyey ansixinta wax-ka-beddelka afarta cutub ee Dastuurka.

0
47
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku boggaadiyey Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ansixinta wax-ka-beddelka afarta cutub  ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Baarlamaanka Jamhuuriyadda gudahada waajibaad kooda Qaran, isaga oo sidoo kale boggaadiyey labada guddi ee Dastuurka, kuwaas oo juhdi badan geliyey sidii dalku u yeelan lahaa dastuur dhammeystiran.
Awke Ali Awil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here