Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,ayaa Daah-furay Dhoofinta Hilibka Xoolaha Soomaaliya ee loo iibgeynayo dalka Sacuudiga.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay tallaabo guul ah dhoofka hilibka Xoolaha Soomaaliya ee ay ogolaatay Boqortooyada Sacuudigu, waxuuna xusay in dadka Soomaaliyeed iyo ganacsatada ay ka heli doonaan dhaqaale iyo shaqo abuur ka badan kii laga heli jiray dhoofka xoolaha nool.
Cowke Cali Cawil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.