Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay Heshiis lagu mideynayo qaar kamid shirkadaha korontada bixiya

0
26
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay Heshiis lagu mideynayo qaar kamid shirkadaha korontada bixiya ee Muqdisho, si shacabku u helaan koronto qiimo jaban
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dalka laga helo adeeg koronto oo ku filan dalka, taas oo ay awoodi karaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in heshiiskani uu horseedayo fursado waaweyn oo wax ka beddeli kara korontada dalka, taas oo fursad siineysa ganacstada Soomaaliyeed.
Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here