Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknooljiyadda ee jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka mid ah hay’adaha hormuudka u ah hannaanka casriyeynta iyo danabeynta adeegyada dadweynaha.
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka aya warbixin la xiriirta waxqabadka wasaaradda wuxuu ka dhageystay wasiirka wasaaraddaas Maxamed Soomaali,agaasimaga guud, agaasime-waaxeedyada iyo howlwadeennada kale ee wasaaradda, waxayna ka warbixiyeen shaqada baaxadda leh ee ka socota wasaaradda iyo wakaaladaha ay wada-shaqeynta leeyihiin ee ay ka mid yihiin hay’adda isgaarsiinta Qaranka,hay’adda dhowrista xogta iyo hay’adda amniga Sayberka.
Sharaf ayey ii ahayd in aan maanta kormeer ku tago Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknooljiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ka mid ah hay’adaha hormoodka u ah hannaanka casriyeynta iyo danabaynta adeegyada dadweynaha, loo na tayeeyo karaanka xirfadaha teknolojiyadda, hawlahan oo halbeeg udub-dhexaad ah u ah Qorshaha Isbeddelka Qaran ee la bilaaban doona sannadkan 2025.