Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo Jowhar ka daah-furay mashruuca Biyo xireenka Sabuun

0
38

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad goboleedka Hirshabelle ka daahfuray mashruuca Biyo xireenka Sabuun, kaas oo weyn ka beddeli doona nolosha in ka badan 300-kun oo beeraley Soomaaliyeed ah.

Mudane Saalax, ayaa sheegay in hirgelinta mashruucan uu waxtar u leeyahay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka, isla markaana uu xal u noqon doona waraabka beeraha iyo dhibaatooyinka kale ee ay sababaan fatahaadda iyo daadadka uu sameeyo wabigu.

“Mashruuca Sabuun oo guulleysto waa Soomaaliya oo barwaaqo ah, waxaan hubbaa in uu kordhin doonno wax-soo-saarka Beeraleyda.” ayuu yiri ku simaha RW Mudane Saalax.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey dowladihii iyo hey’adihii gacanta ka geystay hirgelinta mashruuca Sabuun, isaga oo xusay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka shaqeynayso sidii kor loogu qaadi lahaa tabaca iyo wax-soosaarka beeraleyda Soomaaliyeed.

Mashruucan oo ay si wadajir ah u daahfureen Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, masuuliyiin heer federaal iyo heer dowlad goboleed ah iyo saraakiil ka socday Qaramada Midoobey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here